- Aadme la aragyaaba, dhib la arag.
- Aduun Joog, Aduun.com Ku Jir
- Aan wada hadalno waa aan heshiino.
- Aar qoyey dawaco la mood.
- Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh.
- Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar.
- Abeesada tan shanqarta iyo tan aamusan, tan aamusan baa la qaatay.
- Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa waadaadna dad u eki.
- Abkeey dooli( jiir) diloow, dad nool maas u dahaa.
- Aboorku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa
- Abuur iyo waano ,abuur baa horreysey.
- Adduun i khatal.
- Adduunyo ka kabo li'id, aakhirana u salaad li'id.
- Ari been wuu didaa beense ma dhutiyo.
- Ari jiri ma kala abaal waydo.
- Ari jiri xil bay wadaagtaa.
- Ari magantii ma barriiyo.
- Ari shidho laga daayo.
- Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari.
- Aduun wey kii amoodeey ogaaw.
- Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.
- Af aamusani marti ma sedo.
- Af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho.
- Af aanad lahayn lama qabto.
- Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo' ha kuu daaqdo.
- Af Daboolan Dahab .
- Af hadlaaba aamus.
- Af jabtay sideedii ma noqoto.
- Af jooga looma adeego.
- Af macaan gacan macaan baa dhaanta.
- Af nooli waa hadlaa Eeyna waa ciyaa.
- Af waa kane, may lagi aami.
- Af wax cunay xishoo.
- Afar gacmood abaar ka daran (Hunguri weyni waa cudur).
- Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan.
- Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar.
- Af-ka nool abooto mudac.
- Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal.
- Afkii dab yiri ma guban.
- Afxumo nabad way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto.
- Ag-joog, Ninkii xilo doonayowna Xamaro agjoog.
- Agoon nimaan wax u tarreyn ayaa madaxa u salaaxa.
- Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro.
- Alla aamin ma iisho.
- Alle watow wehel uma baahna.
- Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin.
- Allow aqoon xumo hanagu cadaabin eexna hanooga tagin.
- Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe.
- Ama waa la muuqdaa ama waa la maqnaadaa.
- Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay.
- Ammaano kugu raagtey inaad leedahay baad mooddaa.
- Arrad waa dan, uskagse waa doqonimo.
- Arrin aan sidii futo riyaad hadaan la feydin, ma fayoobaato.
- Atoorku intiisuu guun ku yahay.
- Awr awr wado iyo nin naagi waddi midna kaama leexdaan.
- Awr kala guurtay uurar kala guurey baa ka xun.
- Awrba awrka ka horreeya ayuu saan qaadkiisa leeyahay.
- Ayax teg eedna reeb
- Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto ma laha.
- Ballan habeenimo, jarmaado subax buu leeyahay.
- Bannaankiis mare maradiisa geed ma qabsado.
- Baqal fardo la miratay, fardihii bay is moodaa.
- Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa.
- Bawdo rag, maalinba midbaa qaawan.
- Belo markay adiga kaa maqan tahay, qayrkaa bay ku maqan tahay.
- Bidaari sibiq bay kugu gashaa.
- Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalena kuuma geyso.
- Bisayl iyo ceeriin waxa u dhexeeya waa yac-yacood.
- Biyo ay horotooda dhooqo tahay, dabadooda maxaad mooday.
- Biyo gorore meel godan bay isugu tageen.
- Biyo meel godan bay isugu tagaan.
- Biyo sacabbadaadaa looga dhergaa.
- Biyo socdaa biyo fadhiyeey kiciyaan.
- Boqol sano oo dawlad xumo ah, hal habeen oo dawlad la'aan ah baa ka xun.
- Booraan hadimo ha qodin, hadaad qodidna ha dheereyn ku dhici doontaa mooyee.
- Buubaal biyaha korkiisa saaran buu ka didaa.
- Buur caws ah oo biyo ku agyaal baadi doonyoo biciidkuba waa.
- Buurta Saw iyo Sogsogley iyo Samow Boorame.
- Cadawgaa looma taahee, tunka u adkay.
- Canjeero siday u kala koreysaa loo cunaa (loo kalaqadaa).
- Carab iyo ilkaa cid isugu dhaw iyana weeys qaniinaan'.
- Carab lo'aad caws looma tilmaamo.
- Carruuri kor cabsooday leedahaye, kal cabsooda ma leh.
- Ceeb looma dhinto, caro lalama qarxo, cayna looma dhaawacmo.
- Ceebtaada oo ay kow ogtahay, kun looma sheego.
- Ceesaan ninkii weydiinteeda kugu dhibaa wadisteedaa lagu dhibaa.
- Cid wax kusiisa wax badan baad aragtaa, cid kula talisase wax yar.
- Ciirtaa dhamaa, ceebtaada yaqaan.
- Cimrigaaga dheeraaday, Geel dhalaayaas ku tusaa.
- Dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa.
- Dacas kaa wayni dhiiqaday kugu farjiyaan.
- Dagaal wiil kuma dhashee, wiilbaa ku dhinta.
- Dal aqoon la'aan waa la habaabaa, dad aqoon la'aana waa la qadaa.
- Dameeraha Adari ninkii ooda ka rogaa aroorsha.
- Dameeri isku halayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa.
- Dani waa seeto.
- Dantaada derin karkareysana waa loogu seexdaa.
- Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo.
- Dantaada maqaar eybaa loogu seexdaa.
- Dantii mooge maro duug horteeduu dhamaadaa.
- Dantu ceeba ma lahee dadka uun baysku nacaqya.
- Daanyeer hadiis Geed ka Soo dhici waayo laaziman laan (geed) Aas heestaa
- Deriskii dagaalkaaga rabaa, dooradaada ceshaas ku dhahaa.
- Dhagar qabe dhulkaa u dhaq-dhaqaaqa.
- Dhagax meel dhow buu ku dhacaa, hadalna meel dheer.
- Dhagax tuujin iyo taabasho waa isugu mid.
- Dheerow iyo gaabow ayaa jiree, dhuubow ma jaro.
- Dheriga karkaa waxaa ka keena, kulayl waaye.
- Dhidar xabaallo qoda, qudhun buu uga dhacaa.
- Doc ka yeedh iyo dameerkaba daankaa la jebiyaa.
- Doofaarka ficil la'aan baa loo cadaabaa.
- Digaagad hadey hal waddo iyo hadey toban waddo Kurug ,Kurug ma Dhaafeeyso.
- Doqoni cad ciid loogu riday cay bay mooddaa.
- Doqoni xin mooyiye, xisaab ma oga.
- Doqontu xeerna ma hooyso, xoolana ma hooyso.
- Duqsi caanuhuu ku dabaal bartaa, fuud kuuse ku gubtaa.
- Duqsi dantiisuu qudhunka ugu jiraa.
- Dukulush(dabagaale) timir gaari waayey , qaraar waaye uu dhahaa.
- Dumar been waa lagu soo xero geliyaa runa waa lagu dhaqaa.
- Erray nimaan dhaafin odday ma dhalin.
- Ey is cunaysaa waraabe iskama celiso.
- Eydin geel kolba waa ninkii ku danbeeya.
- Ey laf diiday waa bukaa.
- Faanoole fari kama qodna.
- Fallaadhi gilgilasho kaagama go'do.
- Fallaartii cirka loo ganay cid kastoy filo.
- Far bugtaa, Faraha kale ka dheer.
- Far keliya Fool ma dhaqdo.
- Faras aanad lahayni, futadaaduu wax yeelaa.
- Farsamo xumo, futada cankeeday ku goysaa.
- Faruurow maxaa berbera ku geeyey? faduul, Faduushii ku keentay hakaa saarto.
- Gacantaadu hadday dhudhub gasho, lagama dhuftee waa laga dhirindhiriyaa.
- Gacantii aadan goyn karin, waa la shumiyaa?
- Gadal gadaal geed looma koro.
- Geel-jire isagooy ushu u go'antahay ayuu xaggeen ka goostaa ku yidhaa.
- Geel soddon qaday, saddex cisho kuma dari waayo.
- Geeli waa geel, wixii gooyaana waa geel.
- Geeljire, geela waa wada jirtaa, waana kala jirtaa.
- Geelow geed walba daaqdaye, markaad Ciin daaqdaa laguu yaabaa.
- Gar iyo geeso lo'aad kulaylkaa lagu gooyaa.
- God hadimo ha qodin, haddaad qodidna ha dheerayn, ku dhici doontaana ma ogid.
- Gudineey ima goyseen, haddaan badhkay kugu jirin.
- Gudini geed ma goyseen, haddaan geed kale ku goyn.
- Gurbaan( durbaan ) Garabkaaga ha kuugu jiro ama gacalkaa hakuu hayo.
- Hadal intuu uurkaga ku jiruu ammaano yahay.
- Hadal iyo hablaba duco la'aan bay tarmaan.
- Hadal nin badiyeyna ma wada odhan, nin yarreeyeyna kama wad tegin.
- Hadal nin si u yiri, ninna si u qaaday.
- Hadal waa mergi hadba meel u jiidma.
- Hadal yar iyo hawl badan.
- Haddaad hungurootto waa la hadlaa, hab baa la dhisaa wax lagu helo.
- Hadday degdegsiiyo door dhalaan, kaadsiiyana kiish lacageey dhalaan.
- Haddii lagu sheego waa lays sheelaa, haddii lagu sheelana waa lays sheegaa.
- Hal diidaysaa geed ay ku xoqato ma weydo.
- Hal libaax arkaysaa ma godlato.
- Hangaraarac lug uma dhutiyo.
- Harag sagaaro iiga kac ma ahee iiga durug ma leh.
- Hubkaaga iyo hayinkaaga, midna laguma hodmo.
- Hubsiimo hal baa la siistaa.
- Hunguri wax ka weyn la mariyaa wuu dillaacaa.
- Hunguri weyni kuunto ( Dabo ) weyni baa laga qaadaa.
- Hunguri weyni, Malaay(kalluun)Saab ugu dhacay.
- Hunnu hunnu hadal ma´aha, himbiriirsi arag ma aha.
- Hadal intuu Afkaaga ku jiruu Amaanadaada yahay.
- Illeyn doqoni qiiq kama kacdee daamankey meer meerisaa.
- Inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa, iyana hufkiyo haadiskay barataa.
- Inta Jiillaal loo adkaysto, jir ( dayday ,mooryaan ) looma adkeysto.
- Ishaaduna waa kula fil, dhegtaaduna way kaa weyntahay.
- Ishiisa laga gartaa, Ushiisa lagu tumaa.
- Kaadi badane waa loo gogol badiyaa.
- Kab xume ma hadho ee kabe laawaa hadha.
- Kaftan iyo kaadi baa laysku cadaaba.
- Kibir waa lagu kufaa.
- Kuftin jillib iyo habaar waalid midina sahal kuma hadho.
- La jiifiyaana bannaan, La joojiyaana bannaan.
- Laba layskuma daro: bidaar iyo timo, baryo iyo ad-adayg.
- Labaatan jir intuu geed ka booduu talo ka boodaa.
- Laxi shilalkay is dhigtaa lagu qalaa.
- Libaax intay bulbushu ku taal, bahal ma cuno.
- Libaax lab god lagama kiciyo.
- Libaax nimaan aqoonbaa lax ka rita.
- Lixdan jir laguma helo qiimigaad laba jirkaa wayday.
- Lugtii jeeni dhaaftaa way jabtaa.
- Luuq luuq marow laasim laamigaas kusoo dhacaa.
- Ma taagtaa baad guurtaa, mise taako-taako.
- Maalinkii intay ishaada gaadhaa la hadlaa, habeenkiina inta gacantaada gaadho.
- Madax muuqda iyo mindi saawira midna lagama samro.
- Mar i dage alla ha dago, mar labaadse anays dagay.
- Madax meel ka sarraysa oo la taabtaa ma jirto.
- Mas iyo digaagad daris ma naqon karaan.
- Meelaad madaxeeda tahay, manjo lama noqdo.
- Meeshaad ku qubaysataa lagu qalalsadaa.
- Midho geed saaran, kuwo guntiga ku jira looma qubo ( looma daadsho ).
- Minjo dhooqo leh, marba mid baa la siibaa ama la'qadaa.
- Mira daray duuduubkaa lagu liqaa.
- Mukulaal( bisad )minankeedii joogtaa miciya aar bay leedahay.
- Mulac, dilistiis isaga waw qudh gooyo, carruurtana waw ciyaar.
- Naag godan dhalatay ama gaajo la godnayd ama cudur.
- Naag kun baa koodisa ,kow baana guursada.
- Naag, naag ka umulisay iyo nin reer u weyni, midna siday wax u ogyihiin uma sheegaan.
- Naago nimaan maddaxooda maja u rogin nin ma moodaan.
- Naago wax laga bixiyey laguma dhaqo oo wax loo hayaa lagu dhaqaa.
- Naar hooba galaaso bartaa ey la aragneey, tiimbooy (Naar si fiican baa loo galaa, hadii kale banaankaa laga joogaa).
- Nimaad dhashay kuma dhalin.
- Nimaad fadhiga kaga adagtahay looma sara kaco.
- Nimaad kabahiisa tolayso, baa kafantaada tolaya.
- Nimaad kabo ka tolanayso kabihiisaa la eegaa.
- Nimaan dhididin ma dhergo .
- Nimaan dhul marin dhaayo la'.
- Nimaan kuu furi doonin yuusan kuu rarin.
- Nimaan shaqeysan shaah waa ka xaaraan.
- Nimay meeli buktaa isagay balbashaa.
- Nin aad kabtiisa tolaysaa, kadabkaaga jaraya.
- Nin aan hadlin habartiisba qadisay.
- Nin casarkii isa sheegay, cishihii ceebi ma qabato.
- Nin daad qaaday xunbo cuskey.
- Nin dameero rartaa dad la talo ma aha.
- Nin dhintay kabihiisaa dhaama.
- Nin durbaan tuntay ilaaq dalbay.
- Nin duulay dantii kaa og.
- Nin Illaahay ka dambeeya kabtii ma yeela.
- Nin iyo naag is qaba colna ma nabadna ma aha.
- Nin jiifa lama legdo.
- Nin Jiirow (magac) walaalkii yahay, joog-joog ifka ah iyo jiif-jiif aakhiro midna looma soo rogin.
- Nin keligii garramay, iyo nin dhul gannay midna ma gefo.
- Nin ku necebi xantaa og, nin ku jeclina xogtaa og.
- Nin maalin ma gaadhid, nina sanad ma gaadhid, nina weligaaba ma gaadhid.
- Nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday.
- Nin wax yaqaan daaqsin geel baa wax loo mariyaa, ninaan wax aqoonna qaanso qurqurkeed.
- Nin wayn tag lama yidhaahe wuxuu ku tagaa la tusaa.
- Nin weyni wedkii waa yaqaan.
- Nin Xamar jooga oon baabuur lahayn waa nin Nugaal jooga oon hal lahayn.
- Nin xil qaaday eed qaad.
- Ninkaad adhi weydiisanayso, geel weydii.
- Ninkii belaayadaada raba, bawdkaagu qori ka jabsadaa.
- Ninkii dhimanayaa dheg baa dheer.
- Ninkii geed fuulay ( geed koray) asigi lee kasoo degi.
- Ninkii talin jiray hadduu tago, midaan talin jirin baa yimaada.
- Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara.
- Ninkii uurka dabana Illaah baa arka, ninkii isha dabana Aadmibaa arka.
- Ninna caadil ma baajo, bahalna ceedhin ma daayo.
- Qooq ma jabee ninkiisaa jabo.
- Qufac iyo uur midna ma qarsoomo... ama Qufac iyo jaceyl midna ma qarsoomo.
- Quruxi waa ishaada, qiimana waa ayaankaaga.
- Qalbigu laba ruux mawada qaado.
- Qawl nin weyn kadhacay waa qofol geed kadhacdey.
- Qof nool oo ku hor taagan lagama quusto.
- Qof walba qumanihiisa ayaa qoorta ugu jira.
- Qof waliba wuxuu dhigtuu dheeftaa.
- Qosol badani qoonsimaad noqoy.
- Qosol aan la isla qabin waa qaraaba goys.
- Qufac iyo uur midna maqarsoomo.
- Qunyar socde qodaxi mamudo.
- Quud aan jirin qoryo looma gurto
- Rag saddex ka oggow: Gacan gudhan, gar weecsan, iyo guddoon jilicsan.
- Raad arooryo dib looma raaco.
- Rag la'aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku disha.
- Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi.
- Rag waa shaah dumarna waa sheeko.
- Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa.
- Runi rag kama nixiso.
- Saddex baa la yidhi: Lixdan jir lex jeclo ha la wadaagin; afartan jir ha la garramin; labaatan jirna ha la legdemin.
- Saddex baa rag u liita; Ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe.
- Saddex Ilaah waa karaa, mase suurowdo: Ilaahow guursan maayee wiil i sii; Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii; iyo Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee.
- Saddex lama raaco: Ma horreeye, ma hambeeye, iyo ma haasawshe.
- Saddex markaan bartaan ka gaboobay: Dab ollolintiis, carruur aamusinteed, iyo awr carraabintiis.
- Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan: Faraska xun, naagta xun, iyo hoyga xun; haddana saddexdaas baa kaa bi'iye.
- Samraa, sammo hela, ama Samraa sed helo.
- Shiikh markiis yimaado, shariifku, shubaakaduu(daaqaduu) ka baxaa.
- Shir naagood oo shan dhaafay waa shar.
- Sir naagood lagama sal gaar.o
- Soomaalidu waxay casarkii kugu aragtay cishihii kugu caydaa
- Tolkaa maw talisay, mase tuugtay.
- Tolkaaga iyo xaaskaaga midna looma xog weynaado.
- Tuug la qabtay talo ma laha.
- Ul jiiftaa ma jabto.
- Umili ilawshiinyo dhaw.
- Usha intay qoyan tahay ayaa la toosiyaa.
- Ushaada nin aad ka qaadi kartaa loo dhiibtaa.
- Uur mudane iyo uur Berde, midna lama baadho.
- Waa baahan tahay bakhtiga looma cuno.
- Waari mayside war hakaa haro.
- Wadaantii geeleeda kaafida, baa mid kalena kaalmeysa.
- Wadar iyo waaxid yaa waalan ( marba kii qaldan! ).
- Wadiiqada yari wadiiqada weyn bay kugu ridaa.
- Wan weyn illaa la gowraco indhihiisu cirka ma arkaan.
- Waraabe daalay, dirirtiisaa loo tagaa.
- Waraabe ulna lala gaari waa, orodna wax lagaga dhibi waa.
- Wax aad baratay waa baaskaa.
- Wax garad wax looma sheego.
- Wax la qarshaa ama qurma ama qubte.
- Wax rag kaa galay rako kaa gal.
- Waxaan calaf ahayna lama cuno.
- Wax aanad filaneyn iyo fallaari waa kaa fuc siiyaan ( fajaciyaan).
- Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa.
- Wixii lagu faqaa faruuruhuu yimaadaa.
- Xargo geel ma wada xiraan.
- Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan.
- Xarago dumar xanuun ma leh.
- Xiiso iyo xoorba way dhacaan.
- Xog mooge xaajo waa dilaa
- Xoolo lama cunee dadkoodaa la cunaa.
- Xoolo quureed waa la qaataa, soor quureedse lama qaato.
- Xoorkii la dhamay xagaagii da'ay iyo xusuus baa geel lagu xera geeyaa.
- Xornimo adaa ku noole,iyada kuguma noola.
No comments:
Post a Comment